Xaquuqdaada marka aad shaqo heysato oo aad xanuunsato
Ma heysataa shaqo oo ma xanuunsatay? markaa waajibaad iyo xaquuq kala duwan ayaad leedahay. Mar mar muddo dheer ma shaqeyn kartid, tusaale shil darteeda ama xanuunka burn-out. Markaa qorshe ayaad la sameyneysaa dhaqtarka shirkada.
Waxaad u gudbineysaa shaqo siiyahaaga inaad soo bogsatay
Maalinta 1aad ee aad jiran tahay, u sheeg shaqo siiyahaaga sida ugu dhakhsaha badan. Qandaraaskaagu wuxuu badanaa sheegayaa sida shaqo siiyahaagu kaa filayo inaad tan sameyso. Caadi ahaan tan waxaad samaynaysaa adigoo wacaya maamulahaaga subaxdii ka hor inta aan waqtiga shaqada la gaarin. Kadib markaad xanuunsato, shaqo siiyahaagu waa inuu taas ku wargeliyaa dhakhtarka shirkadda ama adeegga badbaadada iyo caafimaadka shaqada afar maalmood gudahood. Adeegga badbaadada iyo caafimaadka shaqadu waa urur caawiya shaqo siiyaha haddii shaqaaluhu jirado. Qasab kuguma aha inaad sheegto waxa uu xanuunkaaga yahay. Loo-shaqeeyahaagu sidoo kale looma ogola inuu wax ka weydiiyo arrintan. Loo-shaqeeyahaagu waxa laga yaabaa inuu ku weydiiyo goorta aad u malaynayso inaad dib shaqayn karto. Iyo haddii aad qaban karto shaqo kale inta lagu jiro xilliga jirrada.
Ma dareemeysaa inaad bogsatay oo aad shaqada ku noqon karto? Markaa u gudbi qofkii aad u gudbisay inaad jiran tahay. Inaad jiran tahay ayaa kuu qoran ilaa aad shaqo siiyahaaga u sheegto inaad soo bogsatay.
Mushahar ayaad qaadaneysaa markaad jiran tahay
Mushahar ayaa lagu siinayaa haddii aad jiran tahay. Mushaharkani waa inuu ahaadaa ugu yaraan 70 boqolkiiba mushaharkaaga guud. Haddii mushaharkaani ka hooseeyo mushaharka ugu yar, loo shaqeeyaha waa inuu kabo mushaharka ilaa inta ugu yar ee sharciga ah. Haddii aad xanuunsan tahay muddo dheer, waxaad heli kartaa mushaharkan ugu badnaan 2 sano.
Waxba kalama duwana inaad heysato shaqo joogto ama mid muddo ah. Waxaad xaq u leedahay saacadaha aad caadi ahaan shaqeyso sida ku qoran heshiiska shaqada. Nidaamkan waxaa kale oo uu ku qoran yahay heshiiska wadajirka shaqaalaha (CAO) ee shaqadaada.
Ma haysataa qandaraas 0 saacadood ah mise waxaad shaqaysaa shaqo waqti qeyb ah oo ma xanuunsatay? Markaa shaqa bixiyuhu wuxuu sidoo kale bixinayaa boqolkiiba 70 mushaharkaaga. Qadarka mushaharkaani waxay ku xiran tahay xaalado kala duwan:
Tirada saacadaha laguu qorsheeyay
Celceliska tirada saacadood ee aad shaqeysay todobaadyadii muddadii la soo dhaafay
Tirada saacadaha aad ku shaqayn lahayd sida waafaqsan heshiiskaaga.
Loo-shaqeeyahaagu waxa uu ku qasban yahay inuu ku siiyo si waafaqsan shuruucda iyo inuu ogaado waxaad xaq u leedahay. Tusaale ahaan, ma waxaad ka shaqeysaa wakaalada shaqada oo ma shaqeysaa saacado ka badan inta lagu sheegay heshiiskaaga? Markaa loo-shaqeeyahaagu waa inuu ku siiyaa mushahar ku salaysan tirada saacadaha aad shaqeysay oo aan lagu salayn 0 saacadood ee lagu sheegay heshiiskaaga.
Loo-shaqeeyahaagu miyuusan u hoggaansamin shuruucda? Markaa waxaad raadsan kartaa caawino sharci.
Haddii aad muddo dheer xanunsan tahay waxaad wadahadl la leedahay dhaqtar
Haddii aad 6 wiig ka dib weli bogsanin? Markaa waxaad wadahadal la yeelaneysaa dhaqtarka shirkada. Kani waa dhaqtar gaar ah oo baaritaan ku sameynaaya sababaha xanuunkaaga. Waxa aad dhaqtarka kala hadasho uma sheegaayo shaqo siiyahaaga. Dhaqtarka ayaa kula fiirinaaya waxa loo baahan yahay si aad shaqada ugu noqoto.
Adiga iyo loo-shaqeeyahaagu waxaad ku heli doontaan warbixinta dhakhtarka shirkadda boostada ama iimaylka. Warbixintan kuma jiraan wax tafaasiil caafimaad ama waxaad kala hadashay dhakhtarka. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku siinaysaa talo ku saabsan sida iyo goorta aad shaqada ku noqon karto.
Bilaabida shaqada marka aad muddo dheer xanuunsanayd
Adiga iyo dhaqtarka shirkada iyo shaqo siiyahaaga sameyneysii qorsho si aad dib shaqada ugu noqoto. Taasi waxaa loo yaqaan dib- ula qabasho. Adiga iyo shaqo siiyahaaga labadiinaba waa inaad qorshahan dhowrtaan. Tusaale ahaan haddii aad ku ballanteen inaad bilowga nus maalin aad shaqeyso ka hor intaadan si buuxa u bilaabin? markaa shaqo siiyahaaga mar keliya ma dhihi karo inaad ka badan sii joogto. Adigana waa inaad waqtiga qorshaha joojisaa shaqada oo aad guriga aadaa.
Haddii aysan suurtagal ahayn inaad ku noqoto shaqadii hore, tusaale ahaan shil ka dib, kala hadal dhakhtarka shirkadda iyo loo-shaqeeyahaaga shaqada kale oo aad weli qaban karto.