
Dhaqdhaqaaqyada loo abaabulo bulshada lhbtqia+-
Waxaa Nederlaan ka jira dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo u gaar ah dadka Lhbtqia+. Boggani ayaa ka aqrineysaa waxyaalaha Gay Pride ku saabsan, Roze zaterdag iyo dhaqdhaqaaqyada kale. Waxaad kaloo ka heleysaa ururada isku mashquuliya abaabulka dhaqdhaqaaqyada dadka lhbtqi+- ee asalkooda qaxootiga ah.
Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan)
Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan) waa sabti dhamaadka juun ah. Waa munaasabad iyo banaanbax kaasoo loo weydiinaayo in fiiro loo lahaado xaquuqda naagaha is jeclaada, khaniisyada, dadka labada jinsi jeclaada iyo dadka aad ogayn jinsiga ay yihiin. Xagaa walba ayaa meel walba oo Nederlaan ah laga abaabulaa xafladaha- Pride.
Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan) wuxuu ku abaabulmay rabshadii- "Stonewall" ee 1969 ee New York. Dagaaladaasi waxey u taagan yihiin waqti muhiim ah oo taariikhda dhaqdhaqaaqa khaniisyada. Markaasi boliiska ayaa baarka khaniisyada si xoog ah ku soo galay 'Stonewall Inn'. Dhalinyarta degaanka iyo kuwa dragqueens oo bilaabay iney dib u dagaalamaan maadaama sannado badan oo cadaadis ah iyo awood oo loo sheegto oo boliiska ah wey ku daaleen.
Dhaqdhaqaaqyo kale
Waxaad websaaytyadan waxaad ka heleysaa warbixino ku saabsan dhaqdhaqaaqyadan
Ururada u muhiimsan munaasabadaha lhbtqia+-
Waxaa kaloo jira dhowr ururo gaar ah ee bulshada lhbtqia+- oo munaasabado abaabula.
COCktail
Respect2love
Transgender Infopunt Nederland