Dad koox ah oo ku labisan dhar midabka basaliga ayaa ku shraacday kanaalka Amsterdam. Hareeraha waa la buuxaa oo dadka wey faraxsan yihiin.
Laga soo xigtay: Flickr / Kitty Terwolbeck
Qodob

Dhaqdhaqaaqyada loo abaabulo bulshada lhbtqia+-

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/10/2025, 11:21 GH

Waxaa Nederlaan ka jira dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo u gaar ah dadka Lhbtqia+. Boggani ayaa ka aqrineysaa waxyaalaha Gay Pride ku saabsan, Roze zaterdag iyo dhaqdhaqaaqyada kale. Waxaad kaloo ka heleysaa ururada isku mashquuliya abaabulka dhaqdhaqaaqyada dadka lhbtqi+- ee asalkooda qaxootiga ah.

Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan)

Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan) waa sabti dhamaadka juun ah. Waa munaasabad iyo banaanbax kaasoo loo weydiinaayo in fiiro loo lahaado xaquuqda naagaha is jeclaada, khaniisyada, dadka labada jinsi jeclaada iyo dadka aad ogayn jinsiga ay yihiin. Xagaa walba ayaa meel walba oo Nederlaan ah laga abaabulaa xafladaha- Pride.

Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan) wuxuu ku abaabulmay rabshadii- "Stonewall" ee 1969 ee New York. Dagaaladaasi waxey u taagan yihiin waqti muhiim ah oo taariikhda dhaqdhaqaaqa khaniisyada. Markaasi boliiska ayaa baarka khaniisyada si xoog ah ku soo galay 'Stonewall Inn'. Dhalinyarta degaanka iyo kuwa dragqueens oo bilaabay iney dib u dagaalamaan maadaama sannado badan oo cadaadis ah iyo awood oo loo sheegto oo boliiska ah wey ku daaleen.

Dhaqdhaqaaqyo kale

Waxaad websaaytyadan waxaad ka heleysaa warbixino ku saabsan dhaqdhaqaaqyadan

Ururada u muhiimsan munaasabadaha lhbtqia+-

Waxaa kaloo jira dhowr ururo gaar ah ee bulshada lhbtqia+- oo munaasabado abaabula.

COCktail

COCktail waa mushruuc saaxiibtinimo oo lhbtqi+- qaxootiga ah iyo dadka cusub ku xireysa dad Nederlaanka lhbtqi+- ah.

Respect2love

Respect2Love waxey abaabulaan munaasabado bulshadeed iyo dhiirogelin -aqoon isweydaarsiyo oo aad dad kale oo mujtamaca lhbtqi+ aad kula kulmi karto.

Transgender Infopunt Nederland

Waxaad Transgender Infopunt Nederland kala xariiri kartaa wixii su'aalo ee jinsiga ah, warbixinta ama si aad u hesho dhageysi. Barta warbixinta waxaa la helaa isniin ilaa iyo khamiis laga bilaabo 14:00 ilaa 17:00 taleefoonka laga helo waa:085 13 03 84 6


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful