Waxaad qaadanaysaa duruus oo waxay ku xiran tahay dariiqa aad marayso, waxaad gelaysaa imtixaanno
Waxaad 'jidka- B1' iyo 'jidka waxbarashada'waa waajib inaad imtixaanada sameysaa. 'Jidka isku filnaansho nafsi'taasi waajib ma aha. Markaa adiga ayaa dooranaaya inaad imtixaan sameyneyso. Boggan ka aqri wixii dheeraad ah.
Jidka- B1
Ujeedada jidka- B1 waa in si degdeg ah loo barto luqadda iyadoo la shaqeynayo. Tani waa sida uu u eg yahay dariiqa B1:
Waxaad luqadda Nederlandka ku barataa heerka luqadda B1.
PIP kaaga ayaa ku qoran yahay tirada ugu yar ee casharrada aad qaadan doonto
Waxaad qaadaneysaa casharo
.Kennis van Nederlands Maatachappij (KNM)Waxaad sameyneysaa
.Maadada suuqa shaqaalaha iyo ka qeyb qaadashada 'Module Arbeidsmarkt & Participatie' (MAP)Waxaad isku dartaa casharrada luqadda shaqo lacag leh ama shaqo tabaruc ah.
Waxaad raacdaa
ee ay degmadu abaabusho'Nidaamka ku dhawaaqida Ka-qaybgalka' (PVT)
Waxaad galaysaa imtixaanada soo socda:
Akhriska heerka luqadda B1
Maqalka heerka luqadda B1
Qorista heerka luqadda B1
Ku hadalka heerka luqadda B1
Imtixaanka KNM
Ma kuu suura geli weysey inaad 3 sano gudahooda imtixaanada luqada darajada B1 ku qaado? Waxaa suura gal ah in imtixaanada aad ku sameyso darajada A2. La xariirkaaga degmada ayaa wax dheeraad kaaga sheegi kara.
'Dariiqa waxbarashada' (jidka-o)
Hadafka jidka wacbarashada waa in waxbarasho aad Nederlaan ka qaadato, tusaale
Waxaad luqadda Nederlaanka ku barataa heerka luqadda B1 ama B2.
Waxaad dhiganeysaa isku darka 1.000 saac casharada luqada Nederlaanka iyo 500 saac oo maadooyin kale.
Waxaad raacdaa
ee ay degmadu abaabusho'Nidaamka ku dhawaaqida Ka-qaybgalka' Participatieverklaringstraject (PVT)
Waxaad galaysaa imtixaanada soo socda:
Akhriska heerka luqadda B1 ama B2
Maqalka heerka luqadda B1 ama B2
Ariska heerka luqadda B1 ama B2
Ku hadalka heerka luqadda B1 ama B2
Imtixaanka
'Aqoonta Bulshada Nederlaan'(KNM)
Waa inaad dhamaan qeybaha aad ku wada baastaa. Ma ku baastay Staatsexamen B1? Markaa waxaad aadi kartaa mbo. (waxbarashada shaqooyinka dhexe). Tababaro- mbo qaarkood waxaad mudada waxbarashada af Nederlaanka aad u dhigan kartaa 'Staatsexamen B1' maado ahaan oo tababarkaaga ka mid ah. Markaa waa inaad maadada qaadaa si aad tababarkaaga u sii wadan karto.
Ma ku baastay Staatsexamen B2? Markaa af Nederlaankaaga waa mid ku filan inaad tababar af Nederlaanka aad ku sameyso oo hbo ama jaamacada.
'Dariiqa isku filnaanta' (jidka-z)
Hadafka 'jidka-z' waa inaad ka qeyb qaadan karto bulshada Nederlaanka
Waxaad baraneysaa luqada Nederlaanka si aad si isku filnaan ugu noolaato Nederlaan. Waxaad baraneysaa luqada Nederlaanka darajada A1.
Waxaa qaadaneysaa 800 saac oo casharo luqada Nederlaanka ah
Waxaad qaadaneysaa 800 saac oo dhaqdhaqaaqyo markaasoo aad wax dheeraad ka baraneyso Nederlaan. Taasi waxey noqon kartaa shaqo tabaruc, xagga farshaxanka ama dhaqdhaqaaq isboortiga.
Waxaad raacdaa
ee ay degmadu abaabusho'Nidaamka ku dhawaaqida Ka-qaybgalka' (PVT)Waxaad sameyneysaa
Maadada suuqa shaqaalaha iyo ka qeyb qaadashada 'Module Arbeidsmarkt & Participatie' (MAP)Waxaad qaadaneysaa casharo
.Aqoonta Bulshada Nederlaan (KNM)
Waxaad qaadeysaa 'jidka iskufilnaan nafsi' haddii ay degmada u aragto inaad si fiican isku dabiri karto Nederlaan. Waxaa wadahadalka degmada uu qofka kuu qaabilsan uu xadidaayaa inaad baastay. Looma baahna iaand imtixaan ameyso. Laakiin waa la oggol yahay.
Waxaad u qaadan kartaa imtixaanadan si ikhtiyaari ah:
Luqada Nederlaanka (ku hadalka, qorista, maqalka iyo aqriska)
Imtixaanka
'Aqoonta Bulshada Nederlaan'(KNM)