
Dugsiga hoose dhexe
Ilmaha jira 4 ilaa iyo 12 jir ayey aadayaan dugsiga hoose. Dugsiga hoose wuxuu leeyahay 8 fasal. Ilmaha waa waajib iney iskuul aadaan laga bilaabo 5 jir laakiin badiyaa ilmaha Nederlaan laga bilaabo 4 sano ayey aadaan dugsiag hoose. Boggan ka aqri wax walba oo ku saabsan dugsiga hoose.
Waxbarashada dugsiga hoose waa lacag la'aan iyo waajib
Dugsiga hoose waxaa lagu talo galay ilmaha da'da 4 ilaa 12 jir. Waxbarashada waa lacag la'aan iyo waa waajib in dhamaan ilmaha laga bilaabo 5 jir, iyadoon la eegin asalkooda.
Dugsiga hoose wuxuu ka kooban yahay 8 sano
Dugsiga hoose waxaa loo qeybiyey 8 sanad iskuuleed, ama kooxo lagu magacaabo. Marka ilmaha 4 jir yahay, wuxuu ka bilaabayaa kooxda 1. Kooxda 1 iyo kooxda 2 waxaa kaloo lagu magacaabaa fasalka xanaanada. Laga bilaabo kooxda 3 waxey ilmaha baranayaan ilmaha aqriska, qorista iyo xisaabta. Kooxda 8 waxey ilmaha sameynayaan imtixaanka dhamaadka, taasi waxaa lagu magacaabaa imtixanka 'sii gudbida'. Natiijada imtixaanka iyo talada macalinka ayaa lagu qiyaasayaa darajada darajada ilmahaaga ee dugsiga sare.
Cashada dugsiga hoose dhexe
Casharada muhiimka ah ee dugsiga hoose waxaa ka mid ah luqada Nederlaanka, xisaabta, juqraafiga, taariikhda, dabeecada iyo farsamada, sawir gacmeedka, farshaxanka iyo jimicsiga. Maado wala ilmaha darajo ayuu ku heleyaa. Darajadana waxaa lagu qorayaa warbixin. Dugsiyada hoose badankooda ilmaha sannadkii 3 jeer ayaa warbixintaasi la siiyaa.
K qeyb gaka waalidka
Waalidka waxaa la weydiinayaa iney ka soo qeyb galaan waxbarashada ilmahooda. Waxaa waalid ahaan si joogto ah xariir la leedahay macalimiinta. Tusaale ahaan waxaad aadeysaa habeenada waalidiinta. Taasi waa wada kulan macalinka iyo waalidiinta si looga hadlo sida ilmaha xaalad iskuuleedkiisa yahay.
Maalmaha iskuulka iyo maalmaha fasaxa
Ilmaha waxey wiigii aadayaan 5 beri sikuulka, isniin ilaa iyo jimce. Saacadaha iskuulka wey kala duwan yihiin iskuul walba, laakiin badiyaa subaxii ayey bilaabaan oo galabtiina wey dhamaadaan. Mudada sannad dugsiyeedka waxaa jiro fasaxyo kala duwan, sida fasaxa kuleylaha, midka Kirismaska iyo fasaxa horaanta sannadka.
Ilmaha keliya fasaxyada iskuulka kama joogaan, haddii ay jiran yihiin ama ay xaalado gaar ah darteed ay fasax loo siiyo sida aroos, aasitaan ama maalmaha ciida -iyo xuska. Waa inaad mar walba iskuulka ogeysiisaa haddii uu ilmahaaga jiran yahay ama aad iskuulka weydiisaa haddii ilmahaaga maalin gaar ah fasax uu rabo.