Caruur fadhida safka oo fasalka ka shaqeynaaya. Macalinka ayaa socda agtooda si uu u caawiyo.
Laga soo xigtay: Max Fischer
Qodob

Waxbarashada ilmaha oo aan weli luada Nederlaanka aqoon

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/30/2024, 2:47 GD

Ma heysataa sharci deganaansho magangelyo ah iyo ma leedahay ilmo ka yar 18 jir oo aan weli luqada Nederlaanka ku hadlin? Markaa iskuulada waxey bixinayaan caawino si ilmahaaga af Nederlaanka u barto oo waxbarashada Nederlaan uga dhigan karo.

Ilmaha xaq ayey u leeyihiin waxbarashada Nederlaan ka dhigtaan

Haddii aad Nederland timid adigoo caruur ah, waxaad xaq u leedahay waxbarasho. Carruurta xataa waxaa waajib ku ah inay aadaan dugsiga. Tan waxaa lagu sheegay sharciga Nederlaan. Ilmo kasta oo Nederlaan ku nool oo da'doodu u dhaxayso 5 ilaa 16 jir waa in uu aadaan dugsi. Xitaa haddii ilmahaagu aanu weli ku hadlin Nederlaanka, ilmahaagu waxaa ku waajib ah inuu aado dugsiga. Waxaa jira dugsiyo ama fasallo u gaar ah carruurtan.

Waxbarashada Nederlaan ee ilmaha da'dooda ka yar tahay 12 jir

Ilmahaagu miyuu ka yar yahay 12 jir oo wali ilmahaagu ma ku hadlo af Nederlaanka? Kadibna ilmahaagu waxa uu aadayaa dugsi hoose oo gaar ah ama fasal gaar ah oo ah dugsiga hoose ee caadiga ah

Waxbarashada Nederlaan ee ilmaha da'dooda u dhaxeyso 12 iyo 18 jir

Ilmahaaga ma u dhexeeyaa 12 iyo 18 jir? Markaa waxaad aadeysaa Fasalka la qabadka ee Caalamiga (ISK). Tani waa dugsi sare oo gaar ah. Fasalkan waxaad baraneysaa luqada Nederlaanka. Ilaa 1 sano ka dib wuxuu ilmahaaga aadayaa fasal caadi ah oo dugsiga sare.

Tani waa sida fasalka caalamiga ahi uu uga shaqeeyo dugsiga sare

Haddii ilmahaagu ka bilaabo ISK dugsiga sare, dugsiga ayaa go'aamin doona heerka ku habboon ilmahaaga. Sidaa awgeed, wadahadal ayaa lagula yeelan doonaa adiga iyo ilmahaaga (carruurtaada). Tan waxa loo sameeyaa si looga hortago in ilmaha lagu meeleeyo fasal aad u fudud ama aad u adag. Waxaa jira saddex heer oo waxbarasho oo ISK ah:

  1. Heerka waxbarashada 1 Heerkan, carruurta da'doodu u dhaxayso 12 ilaa 16 waxaa loo diyaariyaa waxbarashada farsamo ah ama waxbarashada gaarka ah ee dugsiga sare. Carruurta da'doodu ka weyn tahay 16 sano waxaa loo diyaariyaa (hagaayaa) shaqada iyo isdhexgalka.

  2. Heerka waxbarashada 2 ilmaha jira 12 ilaa iyo 16 jir waxaa loo diyaariyaa waxbarashada darajada asaasiga -vmbo iney dhigtaan. Ilmaha ka weyn 16 jir waxaa loo diyaariyaa waxbarasho mbo-1 ama mbo-2.

  3. Heerka waxbarashada 3 Heerkan, carruurta da'doodu u dhaxayso 12 ilaa 16 waxaa loo diyaariyaa waxbarashada vmbo-kader, vmbo-waxbarasho isku jira (gl), vmbo-waxbarasho qoraal (tl), havo ama vwo iney dhigtaan. Carruurta da'doodu ka weyn tahay 16 sano waxaa loo diyaariyaa mbo 3 ama 4 waxbarasho, hbo- waxbarasho ( iyadoo la socdo qorshaha ku xirmida haddii aqoon dheeraad loo baahan yahay) ama

    waxbarashada-vavo
    .

Degmada ayaa heleysa iskuul ilmahaaga ay dhigtaan

Ma degan tahay guri degmada ah iyo ma leedahiin adiga iyo ilmahaaga sharci deganaansho? Markaa waxaa ku caawinaaya la xariirahaaga degmada si ilmahaaga loogu helo iskuul meesha ama degamada aad degan tahay.

Waxaad samayn kartaa tan haddii carruurtaadu aanay weli dugsi lahayn

Ma joogtiin adiga iyo ilmahaaga seddex bilood ka badan Nederlaan, laakiin ilmahaaga weli ma haystaan iskuul? Markaa weydii degamada ama xerada in ilmahaaga sida ugu dhaqsaha badan iskuulka u aadi karaan

Ilmahaaga weli ma aysan helin waxbarasho? U sheeg xafiiska VluchtelingenWerk ee degmadaada.


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful