Boor weyn oo dadka ku boorinaaya iney u soo codeeyaan doorashooyinka Yurubta.
Laga soo xigtay: RefugeeHelp / Aline Bleeker
Warar cusub
Yurub wey dooraneydsaa: sidan ayey u shaqeeyaan doorashooyinka Yurub
La shaaciyey: 5/7/2024, 12:00 GH

Hal bil kale ayaa ka harsan doorashada Yurub. Nederland waxay u codayn doontaa wakiiladooda baarlamaanka Yurub Juun 6, 2024. Baarlamaanka la doortay ayaa saameyn badan ku leh sharciyada Yurub, tusaale ahaan sharciyada soo galootiga iyo magangalyadoonka.

Mudada doorashada waxa u codeynaayaan Yuribiyaanka baarlamaanka Yurub

Doorashooyinka Yurub waxa la dooranaayaa cida fariisata Baarlamaanka Yurub. Isku darkii 720 qofood ayaa fadhida baarlamaaka. Iyagaa oggolaanaaya sharciyada Yurubiyanka, bedelaaya ama dhahaaya iney sharciyada qaar rabin. Taasi waa kaloo loo yaqaanaa awooda sharci dejinta Waxaa baarlamaanka Yurub u qeybinayaa si wadajir ah

Guddiga Yurub
awoodan sharci bixinta ee EU.

Codeynta doorashooyinka Yurub waxaad go'aamineysaa dadka ku matalaya marka la samaynayo xeerar cusub oo Yurub ah. Shuruucdan ayaa ah mid waajib ku ah dhammaan dalalka ku jira Midowga Yurub (EU). Taas macneheedu waa in dhammaan wadamada Yurub ay u hoggaansamaan sharciga Yurub marka ay samaynayaan xeerar u gaar ah. Baarlamaanku wuxuu kaloo kormeeraa ururrada siyaasadeed ee EU-da ee muhiimka ah, sida

Guddiga Yurub
iyo Golaha Yurub.

Dhmaan dadka waaweyn ee heysta baasaboor Yurubiyan wey codeyn karaan

Qof kasta oo da'diisu tahay 18 ama ka weyn oo dhalasho waddan ka ah Midowga Yurub wuxuu xaq u leeyahay inuu codeeyo. Guud ahaan, ku dhawaad ​​360 milyan oo reer Yurub ah ayaa aadi kara doorashada. Tani waxay ka dhigeysaa doorashada Yurub mid ka mid ah kuwa ugu weyn adduunka. Haddii laguu ogolaado inaad codayso, waxaad guriga ku heli doontaa warqad arrintan ku saabsan. Kani waxa ku jira kaarka codbixinta Iyo macluumaad ku saabsan halka aad ka codayn karto.

Doorashooyinka Yurub waxay dhacaan 5-tii sanaba mar. Caadi ahaan waxay u dhexeeyaan dhammaadka maajo iyo horaanta juun. Doorashada Yurub ee sanadkan ka dhaceysa dalka Holland ayaa dhici doonta maalinta Khamiista ah ee bishu tahay 6-da June 2024. Maalmaha ku xiga ilaa 9-ka bisha June ayaa wadamada kale ee xubnaha ka ah waxaa ay samayn doonaan cod bixinta.

Waxaad dooraneysaa hal musharax oo xisbi siyaasadeed ah

Inta doorashadu socoto waxaad kala dooranaysaa musharraxiin kala duwan oo ka tirsan xisbi siyaasadeed. Waxa kaliya oo aad u codayn kartaa musharrax ka socda xisbi ka jira dalkaaga EU. Musharixiinta la soo doortay waxay si wadajir ah ula shaqeeyaan baarlamaanka asxaabtooda oo ka socota dalal kale. Waxay ka wada shaqeeyaan

qeyb
.

Nederlaanka waxey keliya dooran karaan codayn dad xubin ka ah xisbi siyaasi Nederlaan ah.Inta dadka Nederlaan ee baarlamaanka Yurub waxey ku xiran tahay inta qofood ee bulshada Nederlaan ka kooban tahay.

Baarlamaanka Yurub ayaa go'aamiya sharciyada magangalyada, socdaalka iyo xuquuqul insaanka ee wadamada Yurub

Dadka loo doorto baarlamaanka Yurub tusaale ahaan waxay dhawaan go'aamin doonaan sharciyada socdaalka iyo xuquuqda aadanaha ee Yurub. Haddii uu jiro baarlamaanka cusub ee Yurub, sharciyo cusub oo adag ayaa la soo saari karaa magangalyada iyo socdaalka. Taasi waxay ku xiran tahay qofka loo doorto baarlamaanka.

Natiijada doorashada ayaa la ogaan doonaa laga bilaabo 10-ka June. Markaas ayaa la ogaan doonaa xisbiyada ku jira baarlamaanka Yurub. Waxaa laga yaabaa in ay waqti dheer qaadato ka hor inta aan la gaarin heshiisyada cusub ee baarlamaanka iyo xeerar cusub oo dhaqan galaya. Yurub waa inay marka hore heshiisyo ka samaysaa xeerarkan. Kadibna dhammaan wadamada EU, sida Nederland, waxay sidoo kale heli doonaan wakhti ay ku hagaajiyaan xeerarkooda qaran.

Baarlamaanka Yurub ee hadda jira wuxuu weli saameyn ku leeyahay nidaamyada cusub ee soo galootiga iyo magangelyadoonka

Baarlamaanka Yurub ee hadda jira, ayaa ansixiyay xeerar cusub bishii Febraayo ku saabsan soo galootiga iyo magangalyadoonka . Hadda kaliya Guddiga Yurub waa inuu ansixiyo xeerarkan. Tani waxay u badan tahay inay dhici doonto May 2024, ka hor doorashooyinka.

Haddii ay nidaamyadan cusub hirgelaan, waxaa Yurub ay yeelanaysaa nidaam magangelyo aad u adag. Dhamaan wadamada Yurub waa iney isla wada shaqeeyaan. Doorashooyinka Yurub iyo goáanka maajo 2024 waa kuwo saameyn muhiim ku yeelan doona magangelyodoonka iyo soo alootiga Yurub. Laakin taasi muddo dheer ayey qaadan kartaa ilaa nidaamka cusub uu bilaabanaayo oo aad nidaamkan wax ka dareemi doonto.

Waxaa soo socda sharciyo cusub oo Yurubiyanka ku saabsan magangelyodoonka iyo soo galootiga
Boggan ayaa wax dheeraad aad ka aqrin doontaa oo nidaamyada cusub ku saabsan ee soo galootiga iyo magangelyodoonka.

Maxey kula tahay qodobkan?