Dadku way qoraxeystaan, ciyaaraan oo dabaashaan marka qorraxdu jirto gudaha iyo agagaarka harada Nederlaan.
Laga soo xigtay: Shutterstock / HollandFoto
Warar cusub

Maxaa loo baahan yahay inaad ogaato haddii aad biyaha dabiiciga ku dabaalaneyso

La shaaciyey: 7/15/2024, 12:00 AM

Cimilada wey fiican tahay Nederlaan. Dadka waxey ku quusaan biyaha si ay u qaboobaan. Adigana ma dabaalaneysaa? Markaa ka taxadir qatarta dabaasha ee biyaha dabiiciga.

Kaliya ku dabaasha biyaha dabiiciga ah haddii aad dabaal taqaano

Nederlaan waxa jira meelo badan oo kala duwan oo aad ku dabaalan karto xilliga xagaaga. Sidoo kale ma doonaysaa inaad dabaasho? Kaliya tan samee haddii aad dabaalan karto.

Intaa waxaa dheer, dooro meelaha dabaasha halkaas oo tayada iyo badbaadada biyaha lala socdo. Biyaha qaarkood nadiif ma aha ama aad bay khatar ugu yihiin in lagu dabaasho.

Ka digtoonow qulqulka jeexjeexa iyo qulqulka xooggan marka aad ku dabaalanayso badda dhexdeeda

Waxaa badda ka sameysma qul qulo xoogan. Qul qulka waa hiirar xoogan oo badda dhexdeeda ah taasina qatar ayey noqon karaan

Ha isku deyin inaad hiirarka xoogan aad ka horjeesato oo dabaalato. Taasi wa mid aan marna suuroobeynin keliya daalbadan ayaa ka qaadeysaa. Dhinac dhinac, si tartiib aad xeebta ah, si toos u u raac hiirarka ilaa aad dareento in hiirarka ay daciif noqdeen

Qul qulka wey adag tahay sida loo aqoonsado. Laakiin dhowr waxyaalood ayaa ka taxadari kartaa, sida:

  • Meel ka mid ah badda ayaa leh hiirar yar looga jeedaa

  • meel ka mid ah badda ayaa u muuqda in qeyb qoto dheer ku dhex jiro meel biyaha aan qoto dheereyn

Waxaa kaloo jira qul qulo hooseeya ama kuwo koreeyo badda. Waa kuwan qatarta:

  • Qul qulka hooseeya dhaqso ayuu xeebta kaaga soo jiidan karaa, ilaa badda furan. Dib u soo dabaalashada wey adag tahay. Dhaqso ayaad si xoog ah u daali doontaa

  • Qul qulka koreeya xeebta ayuu kaa jiidan karaa, laakiin wuu ka xoog yar yahay qul qulka hooseeya. Qul qulka koreeya wuxuu kuu jiidi karaa xagga alaabta ama doomanka, markaasoo ay kordheyso qatarta isku dhicida.

Ha isku deyin inaad hiirarka ka soo horjeedkooda u dabaalato. Isku day inaad dhinaca geeska u dabaalato adigoo u dabaalanaaya xagga xeebta.

Iska ilaali maraakiibta ku jirta webiyada iyo kanaalka oo ha ka boodin buundooyinka

Webiyada iyo kanaalada waxaa mara maraakiid waaweyn kuwaasoo qatar u ah dadka dabaalanaaya. Maraakiibta waaweyn badiyaa si fiican uma arkayaan dadka dabaalanaaya. Waxaa kaloo ay maraakiibta sameeyaan hiirar xoog badan. Biyaha ayaa la riixayaa markaa asagoo xoog badan soo noqonaaya, kaasoo ku jiidan kara.

Sidoo kale ka soo boodista buundada iyo kanaalka ama webiga waa khatar. Wey adag tahay in la arko ilaa inta ay biyaha qoto dheer yihiin biyaha wasaqda ah waxaa ku jiri kara alaab gudaha biyaha.

Halkan waxaad si badbaado leh ugu dabaalan kartaa biyaha dabeecadda

Kaarka websaaytka ee zwemwater.nl waxaa ka heleysaa meelo amaan ah oo lagu dabaalan karo.

Waxaad qaadan kartaa casharo dabaasha si aad u barato sida loo dabaasho

Maadaama Nederlaan ay biyo badan leedahay, waxaa ilmaha Nederlaanka iyagoo da'yar la siiyaa casharada dabaasha. Badankooda ilmaha iyo dadka waaweyn een Nederlaanka waxey heystaan shahaadada dabaasha. Sidaa awgeed qatar badan kuma sugna iney shilal biyaha ah la kulmaan.

Casharrada dabaasha ee carruurta

Degmooyinka ayaa kaa caawin kara inaad bixiso kharashka casharrada dabaasha ee carruurtaada. Xeerarka iyo shuruuduhu way ku kala duwanaan karaan degmo kasta. Degmada aad ku nooshahay ayaa ku siin karta macluumaadka arrintan ku saabsan.

Casharrada dabaasha ee dadka waaweyn

Sidoo kale ayaa dadka waaweyn cashar dabaal. Degmada ayaa kaa caawin karta inaad bixiso kharashka casharrada dabaasha ee carruurtaada. Xeerarka iyo shuruuduhu way ku kala duwanaan karaan degmo kasta. Degmada aad ku nooshahay ayaa ku siin karta macluumaadka arrintan ku saabsan.

Booqo 'Dhammaan ku saabsan casharrada dabaasha' si aad u hesho casharrada dabaasha ee agagaarkaaga

Ma jeclaan lahayd inaad ogaato halka casharrada dabaasha laga bixiyo agtaada? Waxaad ka heli doontaa dulmar guud mareegta 'Dhammaan casharrada dabaasha'. Websaydhku waxa uu ku qoran yahay Nederlandka oo keliya, laakiin waxa aad geli kartaa magaca meesha aad degan tahay ee bar raadinta si aad u ogaato barkada dabaasha ee kuugu dhow.

Guutada Samatabbixinta Nederlaan waxay u jirtaa badbaadada biyaha

Samatabbixinta 'Reddingbrigade Netherlands' waa urur u heellan badbaadada biyaha iyo caawinta haddii ay shil dhacaan. Waxa kale oo aad inta badan ku aragtaa guutada samatabbixinta Nederlaan xeebta, halkaas oo shaqaalaha iyo mutadawiciinta ay isha ku hayaan inay wax walba si fiican u socdaan.

Guutada badbaadinta waa urur ka shaqo gasha amaanka biyaha iyo caawinaada shilalka. Guutada badbaadinta waxey sameeyeen qoraal ay ku sharaxeyso qatarta dabaasha biyaha dabiiciga. Waxaa halkaan ku qoran faahfaahin midabyada calamaha aad xeebta ku arkeyso.

Boorar ka socda Guutada Samata bixinta oo leh talooyin dabaasha si amaan ah ee Nederlaan. Noocaan waxaa loogu talagalay dabaasha biyaha gudaha. Maxay tahay inaad fiiro gaar ah u yeelatid maxaana aadan samayn? Maxay ka dhigan yihiin calamada halkaas ku yaal?

Dabbaasha badbaadada leh ee badda

Boggaan waxaad ka arki kartaa waxa aad fiiro gaar ah u yeelan karto marka aad ku dabaalaneyso Nederlaan.

Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful
Hubi in macluumaadkani adiga ku quseeyo iyo in kale
Macluumaadka boggan waxaa iska leh 'Waxaan rabaa inaan magangelyo weydiisto ama waa weydiistay magangelyo'. Tani miyaanay khusayn adiga? Kadibna wax ka beddeley xaaladaada faalooyinka sare ee boggan.