Eric: "Markii degmada guri ii heshay waa yara wel welsanaa"
Markaad sharci deganaansho magangelyo Nederlaan ka hesho, badiyaa waa inaad muddo dheer guri sugtaa. Markaa ka hor ma ogid meesha aad degi doonto. Eddie iyo Erica ayaa xaaladaasi ku jirey. " guryo yaraanta qof walba ayey saameyneysa."
Eddie: "waxaan guri sugaayey 5 sano"
Eddie waxa uu ka soo qaxay Ugaandha oo yimid Nederlaan sannadkii 2019-kii. Waxa uu doorbidayaa in aan lagu magacaabin magaca dambe. Inta uu isku diyaarinayo gurigiisa cusub ee Eindhoven, waxa uu ka hadlayaa guuritaankiisa gudaha Nederlaan. Wuxuu guuray 3 jeer ka hor inta uusan helin guri rasmi ah. Tani xitaa kuma jiraan 3
"Markii hore waxaa la igu xiray degmo Zuid-Holland ah la yiraahdo Heeze-Leende, u dhow Biljomka. Laakiin ugu dambeyn meeshaasi weligey ma degin. Waxaa 9 bilood markaan sugaayey la igu xiray degmada Nuenen" ayuu yiri."Markaa waxaan 2 sano deganaa guri muddo ah oo ardayda iyo dhalinyarta heysta sharciga deganaanshaha magangelyo." Isku darkii waxey qaadatay 5 sano ilaa Eddie uu guri dhab ah uu helay. Haddana wuxuu u arkaa inuu nasiib leeyahay. "Ma ahan wax fiican inaan ashtakoodo". ayuu yiri. "Haddii aad guri helay iyadoo qof Nederlaan ah sannando guri liis sugud ku jira, micnaheeda waa in tixgelin la ii sameeyey"
Erica: "Aniga xaq daro ayaan u arkaa inay qasab tahay inaan guriga ogolaado"
Erica Sirri Bongnwi, oo ka soo qaxday Cameroon, ayaa wada hadal la yeelatay COA oo ay kala hadashay qorshaheeda waxbarasho iyo shaqo. Waxay guri ka heshay tuulada Friese-ka ee Oentsjerk. "Markii ay degmadu ii heshay guri, waxaan dareemayay nafis in aan haysto boos ii gaar ah, Laakiin inkasta oo gurigaygu yahay mid wanaagsan, goobta uu ku yaal ayaa xaddidaysa awoodda aan u leeyahay in aan wax barto oo aan shaqo igu habboon helo," ayay tiri.
Waxey u aragtaa nmaamulka degmada mid aan daacad ahayn. Degmadu waxey ka rabtaa dadka sharciga deganaanshaha heysta iney ogolaadaan guirga degmada u bandhigto. Inkasto ay carqalado jiraan haddana Erica waxey u haysaa abaal. Hadda si nabad ayey miiskeeda u fariisan kartaa oo uga fakireysaa sidii ay nolosheeda u dabiri lahayd iyo dib u dhisi lahayd.
Sida Erica, Eddie wuxuu si gaar ah uga walaacsanaa in la dejiyo meel miyi ah. Waxa uu ka baqay in tani ay ku adkaynayso shaqo ahaan. "Inta badan ma haysanno xirfadaha looga baahan yahay shaqo xafiis oo Nederland ah. Heerka luuqadeena gaar ahaan inta badan ma fiicna," ayuu yiri Eddie. "Fursadahayaga ugu fiican waa shaqada jirka, badina shaqooyinkaas waxay ku yaalaan magaalooyinka waaweyn." Waxa uu ku faraxsan yahay in uu u guuri karo Eindhoven: "Waxay ila tahay in ay u maleeyeen: ninkani wuu shaqeeyaa, aan u soo dhowayno shaqadiisa."
Wim: "Dad badan ayaa si qaldan u maleeya in qaxootiga guri sii ahaan la hormariyo"
Waxaa
Wim ten Vaarwerk waxa uu ka soo shaqeeyay kormeere barnaamij ahaan COA oo hadda waxa uu si mutadawacnimo ah ugu shaqaynayaa
Guryo yaraanta ayaa ah sababta uu liiska sugitaanka u dheeraaday, sida uu qabo Wim. "Dhibaatada jirta waxaa sabab u ah dowladda oo xooga saaraysa in la dhiso guryo iib ah, halkii la maalgashan lahaa dhismaha iyo dayactirka guryaha kirada ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay
Eddie: "Mar mar waa nasiib daro wax qeyr ka soo baxaayo"
Eddie wuxuu aaminsan yahay in ugu dambeyntii ay ahayd nimco qarsoon in la beddelo degmooyinka 3 jeer. "Sidaas ayaan ku imid Eindhoven," ayuu yiri. Kahor intaadan u guurin Eindhoven, Eddie wuxuu u safri jirey 1 saac iyo 10 daqiiqo si uu u aado shaqada maalin kasta. Hadda waa 20-daqiiqo oo keliya oo baaskiil ah.
Tzni waa sheeko ay soo qortayEsther Muwombi oo RFGMagazineiyadoo ay wada shaqeynayaan RefugeeHelp