Soo gudbi canshuur celinta haddii aad tahay magangalyodoon

Inta badan dadka Nederlaan waa inay xareeyaan canshuur celinta sannadle. Waxaad u soo wargelisaa dakhligaaga iyo kharashyadaada xafiiska cashuuraha, si ay u xisaabiyaan waxa aad bixinayso ama dib u heli doonto. Qorshahan tallaabo-tallaabo ah waxaad akhrin kartaa sida tani u shaqeyso iyo macluumaadka aad u baahan tahay.
Laga soo xigtay: Fizkes
Qodob

Ku sameynta canshuur celinta DigiD-gaaga

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:26 GH

Waxaad u baahan tahay DigiD canshuur celintaada Nederlaan. Maqaalkan waxaad ku akhrin kartaa sida aad canshuur celinta si fudud oo dhaqo ah ugu xareyn karto DigiD gaaga.

Waxaad ku guleysaa DigiD si aad gudbinta canshuuraha u sameyso

Raac tillaabooyinkan si aad u gasho DigiD-gaaga

  1. Booqo websaydka Adeega Canshuuraha.

  2. Riix 'Login': Soo hel badhanka 'Login' oo riix. Waxaa laguu wareejin doonaa bogga gelitaanka DigiD.

  3. Geli username iyo password. Guji 'Login'.

  4. Ku xaqiiji summada Sms ama app: haddii aad dejisay ammaan dheeraad ah, waxaad heli doontaa lambarka Sms taleefankaaga ama ogeysiis gudaha abka DigiD. Geli koodka ama ku xaqiiji appka.

Weydiiso DigiD si aad uga gasho websaaytyada dowlada ee Nederlaan
Boggan waxaa ka aqrineysaa sida aad DigiD-ga u codsaneyso.
Waa inaad fiiro gaar ah u yeelataa tan markaad buuxinayso canshuur celintaada

Hadda oo aad soo gashay, waxaad ku bilaabi kartaa canshuur celintaada. Raac tillaabooyinkan

  • Guji ikhtiyaarka 'Cunshuurta Dakhliga'

  • Dooro sanadka cashuurta aad buuxinayso cashuur celinta, tusaale ahaan 2024

  • Maamulka canshuuraha ayaa horey kuugu soo galiyay macluumaad badan, sida dakhligaaga iyo gunnooyinkaaga. Hubi in macluumaadkani sax yahay bayaankaaga sannadlaha ah iyo dukumentiyada kale

  • Ku dar wixii macluumaad kale ah. Tani waxay khusayn kartaa dakhli dheeraad ah, wax laga jari karo ama lacagta kaydka. U isticmaal dukumentiyadaada la ururiyey tan

  • Mar labaad wax walba si taxadar leh u eeg. Dhammaan macluumaadka la geliyay sax ma yihiin? Sidan ayaad uga hortagtaa khaladaadka iyo ganaaxyada suurtagalka ah

  • Haddii wax walba ay sax yihiin, riix 'Dir'. Waxaad heli doontaa xaqiijin ah in canshuur celintaada la soo diray.

Markaad dirto canshuur celintaada, waxaad fariin ka heli doontaa Adeega Canshuuraha

Markaad dirto canshuur celintaada, waxaad fariin ka heli doontaa Adeega Canshuuraha dhowr bilood dhexdooda. Tani waxay sheegaysaa in lacagtaada laguu soo celin doono iyo haddii ay tahay inaad bixiso lacag dheeraad ah. Si dhow ula soco boostadaada iyo iimaylkaaga fariintan saad u hesho.


Maxey kula tahay qodobkan?