Furiinka Nederlaan mudad dacwada magangelyada
Ma rabtaa inaad furto lamaanahaaga? Waa suurtogal in la furo inta lagu jiro nidaamka magangalyada Nederlaan. Xitaa haddii aadan ku qabin Nederlaan ama aadan haysan dhalasho Nederlaan ah. Furriinku waxay cawaaqib ku yeelan kartaa nidaamka magangalyada adiga iyo lammaanahaaga.
Furiinka saameyn weyn ayuu ku yeelan karaa dacwada magangelyada
Ma rabtiin adiga iyo lamaanahaaga inaad isfurtaan mudada dacwada magangelyada? Taasi saameyn weyn ayey ku yeelan kartaa dacwada magangelyada ee taada iyo tan lamaanahaaga. waxey kaloo saameyn ku yeelan kartaa haddii aad muddo dambe mideynta qoyska aad dalban rabto. Ilmaha ma joogaan halkan? markaa tusaale ahaan waa inaad ballan ka sameysataa daryeelkooda. Kala tasho intaadan is furin garyaqaan.
Waxyaalahan ayaa saameynta ay noqon kartaa xaaladaha soo socda
Adiga iyo lamaanahaaga labadaba dacwada magangelyada ayaa idiinka socota Nederlaan.
dacwadahiina kala gaar ayey u fiirin doonaan. Haddaad labadiinaba qatar ku jirin wadanka aad ka soo jeedaan? Markaa IND waxey go'aamin kartaa in hal qof keliya uu xaq u leeyahay magangelyoWaaxda Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)Lamaanahaaga wuxuu jiraa dibadda Ma rabtaa ka dib markaad hsho magangelyada inaad mideynta qoyska dalbato adiga iyo lamaanahaaga laakiin waad isfurteen? Waxaa markaa IND go'aamin kartaa inaadan lammaane isu sii ahayn oo aadan mideynta qoyska la dalban karin lamaanahaaga.
U aad shaqaalaha COA haddii aadan amaan dareemeynin
Kuma dareemeysid amaan xerada xagga lamaanahaaga, markaa u sheeg shaqaalaha
Waxaad ku fekeri kartaa inaad sameysaan terabiga xariirka ka hor intaadan go'aamin furiinka
Ka hor intaadan go'aamin furiinka, waxaad wadajir adiga iyo lamaanahaaga aad la hadashaan qabiirka nafsiga oo dhibaatadiina. Qabiirka nafsiga ayaa kaa caawini kara si aad xal ugu heshaan dhibaatada xariirkiina. Taasi waxaa loo yaqaanaa tarabiga xariirka.
Nederlaan waxey dadka weydiiyaan qabiir nafsi si uu uga caawiya dhibaatada xariirka bedelkii asxaabta ama familka. Waxaa Nederlaan tarabiga xariirka ee qabiirka nafsiga ama hagaha waa caadi in xal loo helo dhibaatada guurka. Waxaad caawino ka weydiisan kartaa dhaqtarka qoyska si aad u hesho qabiirka nafsiga.
Is furitaanka Nederlaan waxaad mar walba u baahan tahay inuu garyaqaan kaa caawiyo
Adiga iskaaga iskama aadi kartid xaakinka si aad furiin u sameyso. Haddii aad furiin rabto Nederlaan waxaad u baahan tahay garyaqaan. Haddii aadan jinsiyada Nederlaanka heysanin, waxaad weydiisan kartaa garyaqaan ku taqsusay furiinka oo aqoon u leh sharciga ajaanibta.
Garyaqaanka waa inuu furiinka maxkamada weydiiyaa. Haddii 1 ka mid amaanayaasha uusan rabin furiinka, waad weydiisan kartaa keligaa furiinka. Xaakinka ayaa go'aaminaaya haddii aad furiinka sameyn karto iyo in kale. Si aad keligaaga furiin u sameysaa waa inaad 1 sano ama ka badan aad Nederlaan joogtaa.
Ma degan yahay lamaanahaaga dibada? iyo lamaanahaag halkaasi ma ka sii weydiistay furiinka? Markaa adigana Nederlaan kama sameyn kartid. Xaakinka wadanka kale ayaa ka mas'uul ah gababgabeynta furiinka.
Nederlaan furiinka mar walba waa arrin sharci ah. Garyaqaankaaga ayaa kaala hadli doono waxa la rabo inaad abaabusho iyo sida aad taasi u sameyneyso. Ma leedahay ilmo da'dooda ka yar 18 jir? Markaa waa inaad tusaale ahaan laga heshiiyaa daryeelkooda.
Dhexdhexaadiye wuxuu kaa caawini karaa haddii aad lamaanahaaga is dagaalsan tihiin
Ma dagaal xoogan ayaa idinka dhexeeya lamaanahaaga oo ma adag tahay inaad furiinka abaabushaan? Markaa dhexdhexaadiye ayaa sameyneysaa. Dhexdhexaadiye waa qof madax banaan iyo ka caawinaaya adiga iyo lamaanahaaga inaad ballamo fiican sameysataan oo furiinka ku saabsan.
Furiinka waxey kalifeysaa qarash
Waxey kalifeysaa qarasha furiinka. Waa inaad garyaqaan iyo laga yaabe dhexdhexaadiye lacag siisaa. Xadka qarashkani wuxuu ku xiran yahay daqligaaga iyo lacagta keydkaaga. Xaakinka ayaa baaraaya asagoo uu caawinaayo garyaqaankaaga haddii aad furiinka iska bixin karto ama haddii aad xaq u leedahay taageero dhaqaale oo furiinka ah.
Sidaan ayaa ku heleysaa garyaqaan iyo dhexdhexaadiye
Waxaa jiro ururo kaa caawini kara furiinka. Adiga ayaa raadsan karo garyaqaan ama dhexdhexaadiye, laakii caawinona waxaad ka weydiisan kartaa
La xariirahaaga
ayaa warbixin dheeraad kaa siin kara furiinka. Iyo kaala talin kara xaaladaada.VWNWaxaa kaloo ku caawini kara Juridisch Loket. Waxaa websaaytkooda ka helysaa warbixin xafiisyadooda kuwa adiga kuu dhow. Haddii aad tarjumaan u baahan tahay wadahadalka, waad u sheegi kartaa.