Warqad lagu ridaayo sanduuqa boostada
Qodob

Dokumentiyadaada aad IND siineyso mudada dacwada magangelyada

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:27 GH

Mudada dacwada magangelyada waxaad Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) u dhiibeysaa dokumentiyo. Dokumentiyadan waxey cadeynayaan dhibaatada aad usoo qaxday. Ka aqri halkan dokumetiyada lagaa rabo iyo qaabka aad u kuwaasi u direyso.

Dokumentiyadan ayaad dhiibaneysaa

Waa muhiim u ah

Adeega Socdaalka- iyo Jinsiyada (IND)
inaad sababta soo qixitaankaaga u cadeyn karto. Aruuri mudada dacwada kuu socoto intii suura gal ah dokumentiyada shaqsiyadaada iyo sababta soo qixitaankaaga cadeynaaya. Taasi waa dokumenti sida baasaboor ama dokumentiyo kale oo aqoonsi ah

Tusaale ahaan waxey noqon karaan kaararka xubinnimada ee xisbiyada siyaasiga, dokumentiyo kaniisada ama cadeyno aad heyo oo ah dhibka laguu geystay (raboorka boliiska, xukunada maxkamada). Ama cadeyno ah joogistaada meelo gaar ah sida wada kulan (siyaasi). xitaa qoraalo ku qornaa wargeyska oo looga hadlaayey xaalada dadka aad ka soo jeedo ee laga tiro badan yahay looga hadlaayo. Waxaa intaa dheer dokumentiyada ama xitaa sawiro ama dokumenti kuwa elektrooniga ah.

Waxaa IND ku weydiineysaa dokumentiyo inaad keento si ay kuwaasi u baari karaan iney sax yihiin. Haddii ay dokumenti asli ah yihiin, waxaa IND ku weydiineysaa in dokumentiga asliga aad soo dirto. Haddii aadan heysanin koobi ama sawiro ayaad u diri kartaa. Koobiyada dokumentiga si fiican looma baari karo. Dokumentiga asliga IND si fiican ayey u baari karaan, tusaale ahaan nooca warqada, farsamada daabacaada, nooca khadka iyo shaabadaha. Waxaa IND heysataa mashiino gaar ah, sida weyneysada.

Ka samey koobi dokumentiga aad direyso

Ka hor intaadan dokumentiga rasmiga u soo dirin IND, waxaad ka sameyn kartaa dokumentiga koobi. markaasoo aad adigana weli warbixin ka heysato dokumentiga rasmiga ah, markaasoo dokumentiga rasmiga ay IND heysato oo ay soo baarayaan.

Waxaa suura gal ah iney feejignaan dhalin karto marka aad dokumentigaaga u gudbiso IND. Haddana si codsigaaga magangelyo si wanaagsan looga shaqeeyo waxaa IND u aragtaa in loo baahan yahay in dokumentiga la keeno. Ma rabtid ama ma awoodid inaad dokumentiga dhiibitid? Markaa kala hadal garyaqaankaaga waxa adiga kuu fiican.

Waxaa jira seddex qaab oo aad dokumentiyada u dhiiban karto xagga IND

Qaaba kala duwan ayaad dokumentiyadaada u dhiiban kartaa:

  1. Marka lagu diiwaangelinaayo

    xagga boliiska
    waxaa shaqaalaha ku weydiinayaa dokumentiyadaada. Shaqaalaha wuxuu ku weydiinayaa dhamaan dokumentiyada cadeynaaya shaqsiyadaada ama aad xaduudka uga soo gudbi karto, sida baasaboorka. Mudada wadahadalka ayaa dokumetigaaga dhiiban kartaa. Waxaa isla markii lagu siinayaa cadeyn warqad ah inaad dokumentiyada aad dhiibatay

  2. Mudada wareysiga hore ayaa dokumentiyada dhiiban kartaa ee shaqsigaaga ama aad xaduudka uga soo gudubtay, sida baasaboorka. Waxaa lagu siinayaa cadeyn warqad ah inaad dokumentiga dhiibatay.

  3. Mudada wareysiga labaad ee IND iyadana dokumentiyada waad u diri kartaa IND. Taasi waxaad ku diri kartaa boostada sugan ee la saxiixo. Taasi garyaqaankaagana wuu kuu sameyn karaa.

Waxaad dokumentiyadaada u diri kartaa IND

Waxaad dokumentiyadaada u diri kartaa si boosto ahaan ah ee IND. Garyaqaankaaga ayaa kaa caawin kara. Cinwaanka aad u direyso waa

T.a.v IND Scanstraat, Postbus 18, 9560 AA Ter Apel

Iyo warbixintaada waa inaad raacisaa marka aad dokumentiyada direyso

  • magacaaga

  • iyo

    Nambarkaaga-V

  • faahfaahin kooban oo af Nederlaanka, af Inglishka, af Faransiiska ama af Jarmalka ee dokumentiyada aad direyso

  • af Nederlaanka, af Inglishka, af Faransiiska ama af Jarmalka

    tarjumaan la qaariyey

  • taariikhda waraysiga 2 aad oo IND (haddii la soo sheegay)

Waxaad dhokumantiyada ugu diri kartaa IND adooo u marinaya "iimayl diwaangashan". Tani waxay la macno tahay waxaad heli doontaa fariin kaaga soo noqota IND markay helaan dokumantiyada. Qareenkaagu sidoo kale u dir dokumantiyada. Waa inaad iska bixisaa kharashka dirista dokumantiyada.

Arrimhan waa inaad ka taxadartaa marka aad dokumentiga

Iyadoo kooban waxaa jira seddex shey oo aad ka taxadartaa hadii aad dokumentiga dhiibaneyso

  • Ka samey koobi ama sawir dokumenti rasmi iyo meel fiican dhigo.

  • Weydii mar walba waraaqaha cadeynta in lagaa qaaday ee dokumentiga. Oo meel fiican dhig

  • Haddii aad boostada ku dirto, markaa waa inaad ku dirtaa mida la saxiixaaya. Inkastoo ay lacag tahay. Ku dadaal inaad warbixintaada shaqsiga, sidaan hore qodobka lagu sharaxay.

IND baaritaanka ka dib dokumentiyadaada wey kuu soo celinayaan

IND dokumentiyada wey soo celineysaa marka ay go'aanka ka gaaraan dacwada magangelyada. Markaa dokumentiyada waa laguu soo celinaayaa marka aad sharciga magangelyada hesho ama codsigaaga magangelyo la soo diido oo waajib tahay inaad Nederlaan ka tagto. Ama codsiga ka dib marka laga soo noqdo codsiga magangelyada. Marka go'aan fiican lagaa soo gaaro waxaa dokumentiyadaada ka heleysaa xafiiska IND, badiyaa waxaa lagu siinayaa marka aad sharciga deganaanshaha magangelyada aad soo qaadaneyso. Marka diidmo lagu soo go'aamiyo

Internationale Organisatie voor Migratie (IOM)
of
Dienst Terugkeer & Vertrek (DT&V
) ayaa dokumentigaaga kuu soo celinaaya.

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii IND dokumentiyadaad aysan ku siinin ama ka lumaan

Haddii IND dokumentiyadaada aysan ku siinin ama ka lumaan ashtako rasmi ah ayaad gudbin kartaa xagga websaaytka IND. Taasi waa keliya luqada Nederlaanka iyo foom Nederlaan ah. Garyaqaankaaga ama qofka aad la xariirto

VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ayaa kaa caawin kara sidaad ashtakada IND u gudbiso. Xaaladaha qaarkood waxaad aadi kartaa xaakinka haddii aad dokumentiyadaada aadan dib laguu siinin. Weydii talo arrintaasi garyaqaankaaga

Waa muhiim inaad koobiyada cadeynta waraaqaha lagaa qaaday ee dlkumentiyadaada aad meel fiican dhigato. Sidaa ku tusin kartaa sida ay dokumentiyada u eg yihiin iyo ku cadeyn kartaa inaad dhiibatay. Haddii IND dokumentiyada ka dhumaan taasi wax saameyn ma aha iney ku yeeshaan dacwadaada magangelyo. Dacwada wey sii soconeysaa.


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful