
Badbaadada mudada ah ee Nederlaan wey joogsaneysaa haddii aad sharci muddo ah ku lahayd Yukrayn
Xaakinka ugu sareeya Nederlaan wuxuu soo go'aamiyey in badbaadinta mudada ee 4 maarso 2024 ay kaa joogsaneyso haddii aad sharci deganaansho muddo ah aad ku lahayd Yukrayn. Maqaalkan ka aqri taasi waxa ay adiga micnaheeda kuu tahay.
Go'aankan wuxuu quseeyaa dadka heysta deganaanshaha mudada ee Yukrayn
Waxaa
Nederlaan looma baahna inaad isla markii ka baxdo
Ilaa 4 maarso 2024 waxaad heysaneysaa xaqa aad u leedahaydejinta qaxootiga Yukrayn, daryeelka, waxbarashada iyo shaqada. Waxaad heleysaa ka hor maarso 2024 warqad
Waxyaalahan ayaa kuu suura gal ah haddii badbaadada mudada ay kaa joogsato
1. waxaad weydiisa kartaa magangelyo qaxooti
Haddii aadan kunoqon karin wadankaaga aad ka soo jeedo, maadaama aadan nabad ku heysanin waxaad magangelyo ka weydiisan kartaa Nederlaan. Ka hor ma go'aansatay inaadan magangeyo weydiisanin laakiin hadda ayaa rabtaa inaad sameyso? Markaa waxaad iska xaadirin kartaa Ter Apel. Shaqaalaha
Iska diiwangelinta Ter Apel
2. Waxaad weydiisan kartaa fiiso waxbarasho ama fiiso shaqo Nederlaan
Waxbaraneysaa ama shaqeysaa Nederlaan? Markaa waxaa la tijaabin kartaa waxbarasho ama fiiso shaqo inaad hesho.
Sharciga deganaanshaha ee caadiga ah marka la codsanaayo
3.waxaad adeegsan kartaa nidaamka dib u noqoshada
Waxaad ku noqon kartaa wadankaaga aad ka soo jeedid ama waddan aad ka heysato deganaansho joogto ah. Waxaad arrintaa darteed u heli kartaa dhaqaale dowladda Nederlaanka, taasi waxaa loo yaqaan nidaamka dib u haajirida.
4. Taasi waxey dhacdaa haddii sharci deganaansho la'aan Nederlaan ku sii joogto
4 maarso ka dib waxaad heysataa 28 beri oo aad Nederlaan uga tagto. Ma sii joogeysaa 28 beri ka dib Nederlaan? Markaa waxaad tahay sharci deganaansho la'aan Nederlaan. Waxaad tahay waqtigaas ka dib fasax la'aan Nederlaan ku joogtaa. Boliiska Ajaanibta waxey xaq u leeyihiin iney wadanka kaa saaraan.
Sharci la'aan oo Nederlaan lagu joogaa wax xaq ah uma lihid dejin, shaqo ama caawinaad dhaqaale
Kala hadal garyaqaankaaga haddii aad dacwadaad bilaawday
Ma bilowday bilihii la soo dhaafay dacwad ku saabsan joojinta badbaadada mudada? Markaa la xariir garyaqaankaaga si aad xaaladaada ugala hadasho. Garyaqaankaaga ayaa kuu sheegi kara in dacwadaada la joojinaayo iyo in kale go'aanka RvS darteeda.