Kusaabsan RefugeeHelp
Ku soo dhawoow Nederlaan. RefugeeHelp waa madal online ah oo kaa caawinaysa inaad Nederlaan ka hesho macluumaad la isku halayn karo oo madaxbannaan. RefugeeHelp waxaad ka heli doontaa macluumaad ku qoran 11 luqadood oo kala duwan. Tusaale ahaan waxa ku saabsan magangalyada, soo dhawaynta iyo la qabsiga Nederlaan.
Muxuu yahay RefugeeHelp?
Madax banaan oo lagu kalsoonaan karo
RefugeeHelp waxa soo saaray oo maamula VluchtelingenWerk Nederland (VWN). VWN waa urur xuquuqul insaanka oo u shaqeeya si ka madax banaan dawlada. Dhammaan macluumaadka waa la hubiyay oo waxa qoray VWN.
Adigana waa ku jirtaa
Inta lagu jiro baaritaanada, waxaan waydiinaa dadka qaxootiga ah sida ugu wanaagsan ee aan uga caawin karno boggayaga. Had iyo jeer waxaad na siin kartaa macluumaad adiga oo isticmaalaya foomka ku yaal mareegaha. Tan waxaad ka heli kartaa xagga hoose ee boggaga mawduuca.
Bulshada onlaynka ah
Kannaaladaheena baraha bulshada waxaad kula xiriiri kartaa dadka kale ee aad isku asal tihiin ee sidoo kale Nederlaan u soo qaxay. Halkan waxaad ku wadaagi kartaan khibradaha midba midka kale. Waxaad ka heli kartaa baraheena bulshada xagga hoose ee boggan.
Yaa loogu talo galay RefugeeHelp?
Waxaan u joognaa dhamaan qaxootiga Nederlaan:
- Dadka raba iney weydiistaan magangelyo ama weydiistayba
- Dadka sharciga deganaanshaha heysta
- Qaxootiga Yukrayn
- Dadka codsigooda magangelyo la soo diiday.
Yaa sameeya RefugeeHelp?
VluchtelingenWerk Nederland (VWN) waxay si wada jir ah ula maamushaa RefugeeHelp iyada iyo ururada la shaqeeya. Koox VWN ah ayaa maalin kasta ka shaqeysa RefugeeHelp. VWN waa urur xuquuqul insaanka oo u shaqeeya si ka madax banaan dawlada. Ka sokow maaraynta RefugeeHelp, VWN waxay sidoo kale matashaa danaha dhammaan qaxootiga Nederlaan. Waxayna VWN siisaa qaxootiga taageero shaqsiyeed, tusaale ahaan, su'aalo sharci, xag shaqo iyo ka qaybgalka Nederland.