Ilaa muddo ayaa cid martigelin la soo joogi kartaa mudada aad guriga sugeysid
Ha heysataa sharci deganaansho oo magangelyo iyo ma ku sugeysaa xerada guri? Mrkaa waxaad muddo ayaa la joogi kartaa reer martigelin. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa sida taasi loo sameeyo.
Haddii aad sharci magangelyo heysato iyo aad sugeyso guri kuu gaar ah, waxaad muddo la joog kartaa reer martigeliya. Tani wuxuu noqon karaa asxaabtaada, familkaaga, ama xitaa dad aadan aqoon u lahayn oo gurigooda u furaaya dadka sharciga deganaanshaha heysta.
Caadi ahaan joogista waa 3 bilood. Mudada joogista wey dheeraan kartaa haddii aad 3da bilood ka dib weli aadan guri helin iyo reerka martigelinta iyo adiga mudada joogista aad rabtiin inaad dheereysiin.
Joogista wax saameyn ah kuma yeelaneyso mudada aad guriga sugeyso
Waxaa jira waqtigan boos la'aan xeryaha
Nidaamka joogista wax saameyn ah kuma laha mudada aad gurigaaga sugeyso. Degmada waa iney weli ku dadaashaa in sida ugu dhaqso badan guri laguu helo.
Sharuudaha ku xiran marka dad lala soo joogaayo
Waa inaad sharuudaha qaarkood ka soo baxdaa si aad u adeegsato nidaamka soo joogista:
Waxaad jirtaa 18 sano ama ka badan.
Waad heysataa
.nambarka adeegga muwaadinka (BSN)Waxaad iska diiwaangelin gelin kartaa degmada cinwaanka joogista ee aad soo joogeyso.
Waxaad wadahadal la yeelatay COA iyo waxaad sugeysaa guri degmada.
Uma baahnid daryeel caafimaad oo hufan.
Waxaad ka heshay degmada aad soo joogeyso dhaqtarka qoyska ama waad iska qori kartaa dhaqtarka qoyska ee cida ku martigelineysa.
Waad ku hadashaa Inglishka ama xoogaa Nederlaan ah.
Haddii ay ilmo kuu raacayaan la soo joogista, waa in waajibkooda waxbarasho qatar gelin. Reerka la soo joogista waa iney degan yihiin meel iskuulka u dhow.
Sidaan ayaa ku heleysaa nambarka (BSN) si aad arrimahaaga Nederlaan uga abaabusho
Tani waa xaquuqdaada la soo joogista
Mudada la soo joogista xaqaaga tashiilaadka COA waad heysaneysaa. Keliya xaqa ah inaad xerada boos ku leedahay ayaa dhamaanaaya mudada aad la soo joogeysid. Taasi waxey micnaheeda waxa soo socda:
Waxaad heleysaa lacagta lagu noolaado-iyo lacagta cuntada ee COA.
Waaad heleysaa soo celin € 75,- dheeraad ah wiigii (haddii 21 jir aaka badan tahay). Reerka ka kooban dad badan waxey helayaan qofka 2aad ee la soo joogaaya € 25,-. Reerka intooda kale € 12,50 wiigii ilaa xadka oo ah € 125,- oo reerka oo dhan ah.
Qarashka celiska daryeelka caafimaadka ee COA wey kuu soconeysaa. Adiga waxaad ku jirtaa
. Waxaad kaloo xaq u leeedahay in laguu soo celiyo qarashka safarka ee dhaqtarka qoyska ama cisbitaalka ku aadeyso. Taasi waxaad ka codsan kartaa COA.Nidaamka daryeelka Caafimaadka ee Magangelyodoonka (RMA)
Waxaan ayaad u baahan tahay inaad abaabusho markaad meel soo joogeyso
Ma rabtaa inaad la soo joogto familka, ama reer martigelisa? Markaa kala xariir la xariiriyahaaga COA ama aad xafiiska warbixinta. COA ayaa kuu sharaxeysa waxa lagaa rabo inaad sameyso iyo wadhadal kula yeelanaayo si loo xadidi haddii aad sharuudaha ka soo baxeyso.
Haddii aad la soo joogeyso reer dadka marti geliya aadan aqoonin, waxaa lagugu xiraayaa Stichting Takecarebnb reer gelin. Markaa hore hal weegend (sabti iyo axad) ayaa tijaabo ahaan la soo joogeysaa. Haddii ay ku cajabiso, ayaa toos u joogi doontaa.
Xitaa mudada la joogaaya waxaad la sii xariireysaa Takecarebnb. Haddii ugu dambeyn reerka martigelinta aan kula fiicnayan? Markaa Takecarebnb waxaa suura gal ah iney reer kale kuu raadin karaan.
Adiga iyo reerka aad la soo joogeysid waxaad saxiixeysiin heshiiska
Waxaad adiga iyo dadka aad la joogeyso, wada saxiixeysaan heshiis la joogis. Halkaasi waxaa heleysaa warqad ay faahfaahin ku qoran tahay ee saameynta dhaqaalaha ay ku yeelan karto dadka aad la soo joogeyso. La soo joogista waxey kaloo saameyn ku yeelan kartaa tusaale ahaan xadka ceyrta ama kabista ee reerka marti gelinta.
Ka dib marka la saxiixo heshiiska waa inaad 5 beri gudahooda iska qortaa degmada ee cinwaanka aad soo joogeyso. Ma heysataa qof la xariiriye ee
Waad dheereyn kartiin la soo joogista
Ma heysataa 3 bilood weli inaad heysanin guri kuu gaar ah? Waxaad COA weydiineysaa haddii muddo dheer aad reerka la sii joogi karto.
Taasi ma dooneysiin? Markaa waxaad dib u heleysaa booskaaga xerada COA. Waxaa dhici karta iney meel kale noqoto oo ka duwan meeshii aad hore ku jirtey.
Ma heshay mudada la soo joogista guri ay degmadaada kuu bandhigtay? Markaa wey joogsaneysaa nidaamka la soo joogista.