Ma doonaysaa inaad barato dadka Nederlandka ah ee da'daada ah? Isku diwaangeli Wake up Your Mind! ka hor Sebtembar!
Ma jirtaa inta u dhexeysa 17 iyo 29 jir iyo ma rabtaa inaad barato dad Nederlaan oo kula da'ah? Markaa iska qor sebtembar ka hor Wake up Your Mind! Markaa dad koox ah ayaa wada abaabuleysaan maalin isboorti ama aad aadeysaan muusiiyamka.
Maxaad sameyneysaa?
Dad adiga kula da' ah ayaad soo fekereysaa waxa aad rabtiin inaad u wada sameysaan bulshada. Waa koox ka kooban 15 qof oo Nederlaan iyo wadamo kale. Waxaad abaabuleysaa dhaqdhaqaaq sida tusaale maalinta isboortiga ee ardayda. Ama waxaad sameyneysaa dokumeentari ama maqaal qoraal ah. Waxaadna sannadkii mar la dabaaldegeysaa dhamaan kooxaha ka qeyb qaata Wake Up Your Mind! xaflad weyn oo lagu qabto Utrecht.
Yaa loogu talo galay?
Waad iska qori kartaa haddii aad u dhaxeyso 17 iyo 29 jir oo aad Nedelaan degan tahay. Si aad uga qeyb gashaa waa inaad Nidaamka badbaadada Muddada (Richtlijn Tijdelijke Bescherming) hoos imaadaa ama heysataa sharci deganaansho magangelyo heysataa. Wey fiican tahay inaad xoogaa luqada Nederlaanka taqaano, waayo mudada aad dhiganeyso lqada Nederlaanka ayaa ku hadleysaa oo aad luqadaada sii fiicneyneysaa. MudadaWake Up Your Mind! waxaad la shaqeyneysaa dad dhaqano kala duwan iyo taariikh kala duwan. aa mashruuc ururka VluchtelingenWerk Nederland (VWN). mashruucan wuu kugu habboon yahay haddii aad dhaqanada kale xiiseyso iyo wada shaqeynta aad jeceshahay.
Sidee u shaqeysaa?
Dad koox ah iyo adiga ayaa afar ama 6 bilood dhan aad wiig walba isu imaaneysaan si aad dhaqdhaq u wada abaabushaan ama aad si fiican isu barataan. Mudada mashruucan shaqaale ka socda VluchtelingenWerk ayaa idiin hagaaya kooxdiina. waxaa la VluchtelingenWerk idiin siinayaa tababaro, tusaale tababaro sida aad ula hadleyso dad dhaqan kale heysto. Mashruuca ka dib waxaa lagu siinayaa shahaado ama cadeyn inaad ka qeyb gashay mashruuca.