Laga soo xigtay: RefugeeHelp / Aline Bleeker
Khibrada

Marka ugu horeysa oo la codeynaayo: "waxaan rajeynayaa in Waxaan rajeynaa in xisbiyada bidixda ay fikradahooda u dagaalami doonaan"

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:33 GH

Marka ugu horeysa waxaa H. Saleh ee Yemen ka timid oo ka codeyneysa Nederlaan. "Waa muhiim in xaqa aan adeegsan karo adeegsado". ayey tiri. "Ugu dambeyn waa la go'aamin karaa arrinta mustaqbalkeyga iyo tan qof walba oo Nederlaan jooga."

"Aniga waxaan dooranaayaa xisbi u dooda xaquuqda bani'aadamka, sinaanta iyo cimilada"

Iyadoo gacanta ku wadata kaarka codeynta ayaa Saleh aaday xafiiska codeynta. Ka dib markii la baaray aqoonsigeeda, waxaa la siiyeyfoomka codeynta. Waxaa foomka ku qoran 26 xisbi, mid walbana wuxuu leeyahay fikrado u gaar ah. Qalin gaduudan ayaa Saleh ay ku calaameysey meesha qof xisbiga ay u aragto inuu fiican yahay.

Ma u sahlanayn Saleh iney 26 xisbi ay 1 xisbi ka doorato. Sidaa awgeed waxey u sii baaraabdegtaa doorashooyinka ka hor si fiican dhamaan fikradaha kala duwan. "Aniga waan ogaa inaan bidixda dooran rabey. waxaan dooranaayaa xisbi u doodaaya xaquuqda insaanka, sinaanta iyo cimilada."Sidoo kale Saleh waxey rabtaa in dowlada cusub iney ka shaqeyso daryeel caafimaad la iska bixin karo qarashkiisa, waxbarasho fiican iyo xalinta dhibaatada guryo la'aanta.

Waxaa kaloo Saleh ay fiirisat waxa ay xisbiyada rabaan xagga arrimaha dibada. "waxaa rabaa xisbi ku dadaalaaya in Nederlaan caalamka ay ka gasho darajo sare oo adag oo cadaalad ah."

"Nasiib wanaag codeynta Nederlaan wey ka duan tahay mida Yaman"

Xitaa Yemen Saleh muhiim ayey u arkeysey iney codeyso. "Laakiin meeshaasi codeynta ma ahayn mid waadix ah. Ma ogaan kartid in waxa aad u codeysey, ay ugu dambeyn ka muuqan doonaan natiijada. Dad badan ayaa aaminsanaa sidaa darteed ineysan codeynin. Mar mar dumarka xitaa looma ogolayn iney codeeyaan. Aniga nasiib wanaag magaaladeyda waan codeyn karey. Laakiin kalsooni kuma qabin natiijada."

Intaa waxaa dheeraa in codeynta wadankeed uu ahaa mid musuqmaasuq ah, ayey iri Saleh, "Xisbiyada dadka ayey lacag siinayeen si ey u iyaga u doortaan, kaasoo nidaamka dhan ka dhigay mid aan daacad ahayn."Wey sii wadatay. "Nasiib wanaag Nederlaan wey ka duwan tahay. Halkani waa waadix sida loo codeeyo iyo sida codeynta loo xisaabiyo."

"Nidaamka siyaasiga ee Nederlaan waa mid u adag"

Saleh waxey u aragtaa in doorashooyinka Nederlaan uu sii noqdo mid loo wada dhan yahay. "Nidaamka halkani waa mid adag, xisbiyo badan iyo doorasho badan oo foomka doorashada."Sidaa darteeda waxey u maleysaa iney fikrad fiican tahay in dadka wadanka ku cusub sharaxaad dheeraad ah la siiyo sida ay u codeynayaa. "Sidaa ayaa ka hor ay u ogaanayaan waxa ay kala kulmayaan xafiiska codeynta iyo markaa kedis kuma noqonaayo."

"Aniga waan ka niyad jabay natiijada"

Doorashooyinka maalin ka dib, waxaa cadaaday in PVV uu noqday midka ugu weyn, Saleh "niyad jab'. Waxaan filaayey iney guuleysanayaan, waayo waxaan aqbaarta ka arkay iney dad badan ay raacsan yihiin. Laakiin kuma faraxsani. Waxaan rajeynaa in xisbiyada bidixda ay fikradahooda u dagaalami doonaan


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful