Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waajibaadka isxaadirinta ee hoyga ilaa inta aanad weli haysan gurigaaga
Ma haysataa ogolaanshaha joogitaanka magangalyada oo wali ma ku nooshahay meel lagu qaabilo Xarunta Dhexe ee qaabilaadda magangalyada (COA)? Markaa waxaa waajib kugu ah inaad halkaas iska xaadiriso, sida inta lagu jiro nidaamkaaga magangelyo. Miyaanad tan samayn? Markaa waxaad waayi kartaa hoygaaga iyo lacagta toddobaadlaha. Tan ka dibna dib uma heli doontid.
Inta jeer ee ay tahay inaad is xaadiriso waxay ku xiran tahay da'daada
Inta badan, xeerarka soo socda ayaa lagu dabaqaa waajibaadka warbixinta:
Waxaad ka yartahay 18 jir iyo keli ayaa tahay: ma joogtaa Nederland dad waaweyn la'aan? Markaa waa in aad COA u iska xaadirisaa maalin kasta.
Waxaad tahay 18 jir ama ka weyn: waa inaad COA u soo warbixisaa todobaadkiiba 1 mar. Waa inaad sidoo kale soo sheegtaa 2dii toddobaadba mar si aad u dheereyso dejintaada iyo lacagta toddobaadlaha ah. Tani waxay la socotaa isxaadirinta waajibka ah.
Ma doonaysaa in aad hubiso xeerarka la rabo in aad ku dhaqanto? Waydii xeradaada soo dejinta.
Waxaad waayi kartaa dejinta iyo lacagta toddobaadlaha haddii aadan isa soo xaadirinin
Waxaa lagaa rabaa inaad ka warbixiso sida uu qabo sharciga Nederland. Waxa kale oo ay ku qoran tahay xeerarka guriga COA. Haddii aadan isa soo xaadirin tani waxay kugu yeelan kartaa cawaaqib xumo:
Haddii aad 1 mar isa soo xaadirin: waxaad heli doontaa digniin warqad ah.
Marka aad 2 jeer oo isku xigta is xaadirin: waa inaad ka baxdaa xerada oo ma heli doontid lacagta toddobaadle ah.
Si joogta ah aadan is xaadirinin: haddi aanad mar mar isa soo xaadirin, ie, mar aad samayso iyo marar kale oo aanad isa soo xaadirinin, waxa aad si muddo ah u waayi kartaa dejinta xerada iyo lacagta toddobaadlaha ah. Taasi macneheedu waxay tahay in aad ilaa muddo ah laguu ogolayn inaad deganaatid xerada iyo aanad ilaa mudoo ah u helin lacag toddobaadle ah.
Dib uma codsan kartid hoy COA haddii aadan u hoggaansamin waajibaadka is xaadirinta
COA miyay kaa cayrisay hoyga sababtoo ah ma aadan isa soo xaadirin dhowr jeer? Markaa waa inaad iska diiwaan gelisaa degmada si aad hoy u hesho. Tani waxay la macno noqon kartaa in aad si ku meel gaar ah ugu nooshahay wadada ilaa guri laguu helaayo. Mar kale iskama diiwaan gelin kartid xerada COA ee Ter Apel.
Mararka qaarkood uma baahnid inaad isa soo xaadiriso
Mararka qaarkood COA waxay ku siin kartaa ogolaansho inaadan hal mar isa soo xaadirin. Tusaale ahaan, haddii aad ballan la leedahay dhakhtar ama qareen maalintaas. Waa inaad hore uga codsato miiska macluumaadka COA. Tusaale ahaan, waxaad tusi kartaa warqadda ballanta ee qareenkaaga ama dhakhtarkaaga.
COA kuma siin doonto ogolaansho haddii aadan rabin inaad soo sheegto sababtoo ah ballamaha shakhsi ahaaneed sida booqasho aroos ama booqasho qoys oo dibadda ah.
Ma doonaysaa in aad la joogto qoyska ama saaxiibada muddo dheer? COA waxay ku siin kartaa ogolaansho aad ku isticmaasho nidaamka hoyga. Uma baahnid inaad iska xaadiriso xerada inta aad meeshaasi joogtid. COA ayaa markaas kuu ogolaan doonta inaad telefoon kisu soo xaadiriso.