Nin ayaa si xoogan u fiirinaaya taleefoonkiisa.
Laga soo xigtay: Youssef Amakran
Qodob

Isdhicitaanka xagga interneetka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/21/2024, 5:32 GD

Isdhicitaanka xagga e-mailka. Whatsapp ama SMS marar badan ayaa la sameeyaa. Tuugada waxey tusaale ahaan kuu soo jiidanayaan xagga e-mailka ama SMS bixinta lacagta oo been ah. Waxey ku weydiinayaan tusaale ahaan inaad warbixintaada bangiga soo ku soo buuxiso. Halkan ka aqri waxa aad sameyn kartaa si aad uga hortagto in lagu dhaco

Khayaanada intarneedka ee badiyaa la arko

Khiyaanooyinku waxay u dhici karaan siyaabo kala duwan. Waa kuwan qaar ka mid ah qaababka badiyaa lagala kulmo:

  • Biilasha been abuurka ah: waxaad ku helaysaa biil (sare) WhatsApp ama email. Biilkani waa been abuur, laakiin inta badan waxa uu u muuqdaa mid dhab ah si aad u bixiso.

  • Ogeysiisyo been ah oo ku saabsan dalabka wax gadasho: waxaad ka helaysaa fariin ka timid alaab-qeybiye, in kastoo aadan waxba dalban. Inta badan waxaa jira xiriirin fariinta ku jirta oo ay tahay inaad gujiso, laakiin xiriirkani wuxuu horseedayaa shabakad halkaas oo ay tahay inaad bixiso macluumaadka shakhsi ahaaneed.

  • Codsiyada lacag bixinta ee been abuurka ah: tuugta waxay soo diraan codsiyada lacag bixinta WhatsApp ama mareegaha sida Marktplaats. Waxay iska dhigaan saaxiibadaa ama dad wax iibinaya.

  • Dambi-saaris handadaad: Dembiilayaasha waxay kuugu hanjabaan inay si guud kuugu sheegaan xog xasaasi ah. Badana waxay soo diraan iimayl kugu qasbaya inaad lacag bixiso si aad u ilaaliso xogta. Tusaale ahaan, waxay ku andacoonayaan inay og yihiin inaad daawatay filimo dhaqan xumo oo ay ku weydiiyaan inaad bixiso lacag si ay qarsooni kuugu ahaato.

  • Ku Hanjabaada in la xannibo: Mararka qaarkood dadka wax is-daba-marintu waxay ku hanjabaan inay xannibi doonaan internet-kaaga ama teleefankaaga waxayna dalbanayaan lacag si ay taasi looga hortago.

  • Wicitaanada beenta ah ee ka imaanaya caruurtaada: tuugta waxay iska dhigaan caruurtiina oo haysta nambar cusub sababtoo ah wax ku dhacay taleefankooda. Waxay dhacdaa inay sheegaan inay u baahan yihiin lacag badan dhibaatooyin dhaqaale oo ay kugu cadaadinayaan inaad si dhakhso ah ugu dirto lacagta.

Khayaanada intarneedka sidaad uga hortagyso
  • Hubi ciwaanka iimaylka soo diraha Ciwaanada iimaylka tuugta waa ay fududahay in la aqoonsado.

  • Soo raadi lambarka taleefanka qofka kula soo xiriiraya. Inta badan waxaad ka ogaan kartaa intarneetka inuu yahay nambar been abuur ah.

  • Ha ka jawaabin fariimaha iimaylka, qoraalada ama fariimaha WhatsApp ee dadka aanad garanayn. Tani waxay sidoo kale khuseysaa haddii ay iska dhigaan bangi ahaan ama saaxiib ahaan ama xubin qoys ahaan.

  • Ha riixin link-yada codsiga lacag bixinta ama fariimo baakada aadan dalbanin.

  • Ha ka jawaabin hadadaada. Haddii lagu handado, la xiriir booliiska.

Sidoo kale la xiriir booliiska haddii aad u malaynayso in lagu khiyaameeyay. Shaki ma ku jirtaa? Kadib wac lambarka taleefanka rasmiga ah ee bangigaaga, saaxiibkaaga, xubin qoyskaaga ama bixiyaha taleefanka si aad u hubiso inay kula soo xiriireen iyo in kale.

Waxa kale oo lagugu khiyaamayn karaa xagga telefoonka

Waxaa jira dad wax is-daba-marin ah oo telefoon iska dhigaya urur si ay lacag u helaan. Tan waxa loo yaqaan 'spoofing'. Waa muhiim inaad ogaato sidaad naftaada uga ilaalin lahayd khiyaanadan.

Miyaad telefoon lama filaan ah ka heshaa shirkad ama hay'ad dawladeed? Haddii aadan hubin, telefoon dhig oo wac lambarka rasmiga ah ee ururka laftaadu si aad u hubiso in wicitaanku run yahay iyo in kale. Waligaa ha siin macluumaadkaaga khaaska ah shisheeyaha hana xawilin lacag.

Khayaanada taleefoonka sidaad uga hortagyso

Khayaanada waxay iska dhigi karaan bangigaaga ama degmadaada telefoon. Raadi calaamadahan:

  • Taleefan been abuur ah oo bangigaaga laga soo diray: ma qof ayaa ku waydiinaya inaad lacag xawisho ama ku siiso macluumaad shakhsi ah? Xir taleefanka oo dib ha u wicin. Bangi waligiis tan ma weydiiyo.

  • Taleefan been abuur ah oo cajalad leh: ma maqashaa cajalad qofna wuxuu ku weydiiyaa lacag ama macluumaad shakhsi? Xir taleefanka oo dib ha u soo wicin.

  • Telefoon been abuur ah oo dibadda laga keenay: ma nambar aan la garanayn ayaa kaa soo wacay dibadda oo uu talefanku si kooban u soo dhacayaa? Iska daa wicitaanka oo dib ha soo wicin.

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aad noqotay dhibane la dhacay xagga interneetka

Ma lagu dhacay xagga interneetka? Markaa qaad tallaabooyinka soo socda:

  • La xiriir bangigaaga sida ugu dhakhsaha badan. Mararka qaarkood bangigu wuxuu kuu soo celin karaa lacagtaada. Waxay sidoo kale ka hortagi karaan khayaanada inay lacag badan kala baxaan akoonkaaga. Hubi inaad haysatid dhammaan faahfaahinta wax kala iibsiga, sida qaddarka iyo taariikhda.

  • U sheeg booliiska. Tani waxay gacan ka geysataa ka warbixinta khayaanada waxayna ka hortagtaa dad kale inay noqdaan dhibanayaal. Warbixintaadu waxay u ogolaanaysaa boliiska inay baaraan kuwa ay yihiin khayaanada oo ay suurtogal tahay inay joojiyaan. Isku day inaad wadaagto macluumaadka ugu badan ee suurtogalka ah, sida lambarada telefoonka iyo faahfaahinta wada hadalka.

  • U sheeg khayaanada Faude Helpdesk

    . Tani waxay ku suurtagashaa Af- Nederlaanka kaliya. Ka warbixinta khayaanada waxay kaa caawin kartaa ka hortagga dhibbanayaasha cusub.

  • Kaydi dhammaan fariimaha iyo macluumaadka khayaanada. Tani waxay faa'iido u yeelan kartaa booliiska iyo bangigaaga.


Maxey kula tahay qodobkan?